taleex silsilad putnland somalia
Shabakada war bahinta silsilad taleex somalia

Daar ilaalo, Silsilad, Falaat, & qudbiyada jooga dheer ee in badan qofka arkaa iswaydiinayo injineeradii xiligaasi joogay ee dhisay dhismayaasha yaabka leh kulliyada ama jaamacada ayka soo qalin jabiyeen halka ayku taalo.Waa goobaha taariikhda ah e lagu xasuusto halgankii iyo difaacii xoriyadoonka dadkii dagaanka ku dhaqan u galeen sidii ay u tuuri lahaayeen reeryada gumeystihii ingiriiska ee dalka ku yimid waqooyiga Somalia Juqraafi ahaan degmada Talaeex ee caasimadii daraawiisheed waxay dhacdaa dooxada ugaal godan galbeedka iyo dhinaca waqooyina waxaa kaabiga kusoo haya dhul cawseed mamaca ee soolal loo yaqaan ee geedka galoolka layidhaahdo caankaku ah duurka iyo geed cawseedka noocyadiisa kala duwanina ay iyaguna yihiin kuwa sii bilaya muuqaalka yaabka leh ee soolasha
Soolku waa dhul joogiisu aad u sareeyo isla mar ahaantaana caro san ah,haseyeeshee ciidiisa bataaxda ahi aaney biyaha qabsan xilli roobaadka sidoo kalena waxaa soolasha aad ugu yar ceelasha qodaalka ah ee xoolaha iy dadkuba ka cabaan.Soolku waadhul ku wanaagsan dhaqashada guud ahaanba mawaashiga la dhaqdo noocyadiisa kala duwan,geel ,lo, iyo adhiba
Nugaal waa dooxooyin kaabiga isku haya oo meelaha qaar rabi dhextaal uga dhigey,buuro aanu joogoodu sidaasi usii dheerayn iyoweliba jeexyo biyo mareen ah iyo durduro aan gu, iyo jiilaaltoona biyo beelin, geed hoosaadka iyo cawskaba waa ku qani dooxada nugaaleed.Nugaal sida magaceedaba ku cad waa dooxooyin aad ugu nugul dhibcda roobka oo hadiiba roob yari qabto durbadiiba baadka iyo geeduhaba ka soo baxaan, sidoo kalena u nugul jiilalada sii daba dheeraada,geedaha sare iyo geed cawsaadkaka baxa dooxada nugaal ayaa raga dhaqashada xoolaha aqoonta durugsan u lihi ku tilmaamaan iney yihiin kuwo uga tayo iyo waxtarba roon xoolaha geedahadhulalka kale ka baxa ciideeda oo macaadin badan ku jirto awgeed.Sidoo kalena geedka daranta loo yooqaan oo ah geedaha cusbada ama milixda leh ee aan xoolaha looga maarmin in sanadkiiba mar loo daaqgeeyo siiba geela ayaa dhul baaxad weyn ku fadhiya oo taagooyinka nugaaleed ah ka baxa.
Mawaashiga cadka iyo caanaha loo dhaqdo ka sokow nugaali waxay sabo ay si wanaagsan ugu dhaqmaan u tahay gamaanka fardood oo run ahaantii la odhan karo waxay ka mid aheydsababaha darwiishkii u doortey nugaal iney noqoto halka ay ka bilaabaan halgankoodii hubeysnaa ee isticmaarkii ingiriis lagala hor tegey . Deegaanka nugaaleed ee taleex ku taalowaxa ay sidoo kale si weyn u marti gelisaa hoy iyo hantina ay u tahay ugaadha noocyadeeda kal duwan,inkastoo xiliyo dhexe ay ku sigteen iney ka dabar go,aan deegaanadaasi abaaro is xigey oo sii dabadheeraadey awgeed,waxaadse moodaa sanadahan danbe iney si weyn ugu soo noqoneyso ugaadhii iskaga haajirtey dooxada nugaaleed,deerada ayaa iydoo raxan raxan uwada socota markiiba ishu qabaneysaa goodirka biciidka,iyo cawsha ayaa dhif iyo nadir lagu arkaa gobo tirsan,inkastoo xiliyo dhexemuuqoodaba laga quustey,tiro aan sidaasi u badneyn laakiin isasoo taraya oo goroyada ah ayaa iyaguna ku sugan dooxada nugaaleed.
Taleex ama caasimadii xoogagii daraawiisheed waxaa hoos yimaada tuulooyin door ah oo ku kala yaala dhulka oogada ah ee soolasha iyo dooxooyinka nugaaleedba, waxaana kamid ah sarmaanyo, carooleey, xalin,godaalo, gorofley, kalcad iyo qaar kale oo haatan la asaasey Dooxooyinkaugu balaadhan guud ahaanba deegaanka nugaaleed intooda badani waxay dhacaan degmada taariikhiga ah ee taleex .Dhumay,qawlo xalin,intubaa waa doo xooyin aad u balaadhanxiliga barwaaqada ahna tuluda geela ah ee dhex taagan aadan si sahal ah ku arki Karin geedaha kabaxa awgeed.Dooxada Xalin ka so koow dhanka dhaqmaatinka xoolaha waxaa mara dudur biyi hiisu socdaan abaar iyo aaranba taasioo ufududaysay bulshada ku dhaqan tuulada xalin inay beertaan dalaga beeraha noocyadiisa kala gadisan. Xiligii dowladii hore waxaa dooxada xalin laga fuliyay geedka timirta lagubeerayo deegaankaas, waxaana marka aadhalcabaara usoo jirto tuulada xalin meeldheer kaaga muuqanayo geedaha dhaadheer ee timirta baaqigii kaga hadhay
dhowr boqol oo geed deegaan ka xalin oo deegaanka xalin xiligaasi lagu beeray tiro aan badnayn oo geed timireedka ah ayaa wali baaqi kusii ah tuulada xalin.Isku soo wada duuboo deegaanka taleex ee aynu waxyar kaga milic sanayno ayaa marka aad qadar kiiloo mitiro ah usoo jirto degmada taleex oo kutaala dhulbanaana oo dhinaca bariga iyo waqooyigaba ay kaxigaan kuro aan sidaasi usii jog dheerayn ayaa waxaa markiiba sheeda kaaga muuqanayo dhisma yaasha buuraha lamoodo ee saldhigyada adage e milatari oo ahaa dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ee mudada 20ka sana ah isticmaarkii ingiriis ka ka waaliyay in uu hoos uga soo dego calo iyo guban.
Xiligii dowladii hore waxaa dooxada xalin laga fuliyay geedka timirta lagubeerayo deegaankaas, waxaana marka aad halcabaara usoo jirto tuulada xalin meeldheer kaaga muuqanayo geedaha dhaadheer ee timirta baaqigii kaga hadhay dhowr boqol oo geed deegaan ka xalin oo deegaanka xalin xiligaasi lagu beeray tiro aan badnayn oo geed timireedka ah ayaa wali baaqi kusii ah tuulada xalin.
Isku soo wada duuboo deegaanka taleex ee aynu waxyar kaga milic sanayno ayaa marka aad qadar kiiloo mitiro ah usoo jirto degmada taleex oo kutaala dhulbanaana oo dhinaca bariga iyo waqooyigaba ay kaxigaan kuro aan sidaasi usii jog dheerayn ayaa waxaa markiiba sheeda kaaga muuqanayo dhisma yaasha buuraha lamoodo ee saldhigyada adage e milatari oo ahaa dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ee mudada 20ka sana ah isticmaarkii ingiriis ka ka waaliyay in uu hoos uga soo dego calo iyo guban.
Turkishka waxay ka haluuleen Somalia dhamaadkii 1870 ciidmadoodu ka dib markii Mahdiyintii Sudan bilaabeen muqaawamada ay kaga soo hor jeedeen maamulka Ingiriiska , ayagoo Turkishku garab siinayo Ingiriiska sababtaa awgeed ayay ciidankoodii ugala baxeen Somalia si ay dagaalka Sudan uga qeyb qaataan. Dhamaadkii 1880 ayaa Sudan waxa lagu jabiyay hadhaagii ugu danbeeyay ee Mahdist firxad fara badan oo le Mahdiyiin iyo Sunuusisiyiin ( Muqaawamadii Libiya ee Cumar Al Mukhtaar) ayaa caalamka Islaam u kala qaxay. 1887 markay Ingiriisku heshiisayada yaryar een lahayn wax aqoonsi ah la galeen gancsatada Berbera,Karin, Maydh,Shalcow, Laas Qori iyo Zaylac ay ku tilmaameen heshiisyo Qabaail , ayadoo la wada ogyahay inaan 2 nin oo Cali Siciid ah oo Maydh dagan iyo 2 Sacad Yoonis ah oo Shalacow jooga iyo 4 Muuse Care ah oo Maydh jooga aanay matalin reerkay u saxeexeen heshiiska ee Habar Yoonis ,ama, 9 gancasato oo Habar Jeclo oo Cadan jooga aanay matalin Habar Jeclo ( Fiiri heshiisayada Major Hunter ee lagu magacaabay heshiis qabiil iyo Ingiriis).Waxay Ingiirksu iyo Turkishkaba ka caban jireen bilowgii Isticmaarka xarakada Sanuusi iyo ta Mahdi oo somalia ilaa miyiga ka jirtay oo nimankaas wadaada ah Somalida ku gubaabin jiray inay la dagaalamaan Gaalada . Salaadiinta Sunuusiga iyo Mahdiyiinta aadu soo dhaweeyay 1880-1899kii waxa ka mid ahaa Suldaan Nuur Amaan waagi danbna noqday suldaanka kali ah ee Daraawiishta soo dhaweeyay duulaano fara badna ka qeyb qaatay sida dagaalkii Firdhin oo Dhulbahnate oo gaalo wataan kula hirdameen daraawiishta goobtaas oo ciidanka Ingiiiriska ah oo 350 askari oo Dhulbahnate ah hogaaminayeen:

